25
Bildad 
 1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, 
 2 Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh, 
Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa. 
 3 Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin? 
Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin? 
 4 Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado? 
Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado? 
 5 Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh, 
Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha. 
 6 Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu! 
Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!