150
 1 Rabbiga ammaana. 
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, 
Ku dhex ammaana samada xooggiisa. 
 2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, 
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare. 
 3 Dhawaaqa buunka ku ammaana, 
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. 
 4 Ku ammaana daf iyo cayaar, 
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. 
 5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, 
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer. 
 6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. 
Rabbiga ammaana.