12
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid. 
 1 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, 
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen. 
 2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, 
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi. 
 3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, 
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba. 
 4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, 
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah? 
 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa 
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, 
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa. 
 6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, 
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, 
Oo toddoba jeer la safeeyey. 
 7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa, 
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood. 
 8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, 
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.