15
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? 
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya? 
 2 Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, 
Oo qalbigiisa run kaga hadla. 
 3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, 
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, 
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin, 
 4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, 
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, 
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin, 
 5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, 
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. 
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.