26
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, 
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan. 
 2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, 
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh. 
 3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, 
Oo waxaan ku socday runtaada. 
 4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, 
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo. 
 5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, 
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo. 
 6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, 
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow, 
 7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, 
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan. 
 8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, 
Iyo meesha ammaantaadu joogto. 
 9 Naftayda ha la ururin dembilayaal, 
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada, 
 10 Gacmahooda belaayadu ku jirto, 
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo. 
 11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, 
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso. 
 12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, 
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.