28
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, 
Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, 
Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, 
Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca. 
 2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, 
Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah. 
 3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh, 
Iyo xumaanfalayaasha 
Oo deriskooda nabadda kula hadla, 
Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto. 
 4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, 
Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, 
Oo waxa ay galabsadaan sii. 
 5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, 
Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii 
Iyo hawshii gacmihiisa toona. 
 6 Mahad waxaa leh Rabbiga, 
Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay. 
 7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, 
Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, 
Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, 
Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa. 
 8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, 
Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado. 
 9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, 
Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.