42
Kitaabka Labaad 
Sabuurrada 42-72 
Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha. 
 1 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, 
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow. 
 2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. 
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa? 
 3 Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, 
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh? 
 4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, 
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, 
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya. 
 5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? 
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? 
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa. 
 6 Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, 
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, 
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar. 
 7 Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, 
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen. 
 8 Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, 
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, 
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo. 
 9 Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? 
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa? 
 10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, 
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh? 
 11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? 
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? 
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa 
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.