52
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa. 
 1 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? 
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa. 
 2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, 
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano. 
 3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta, 
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah) 
 4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan, 
Iyo carrab khiyaano miidhan ah. 
 5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, 
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, 
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah) 
 6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan, 
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 
 7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, 
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, 
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii. 
 8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal, 
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah. 
 9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay, 
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.