67
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah. 
 1 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, 
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah) 
 2 In jidkaaga laga ogaado dhulka, 
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya. 
 3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, 
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen. 
 4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, 
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, 
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah) 
 5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, 
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen. 
 6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii, 
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa. 
 7 Ilaah waa ina barakayn doonaa, 
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.