70
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto. 
 1 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, 
Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi. 
 2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan 
Ha ceeboobeen oo ha wareereen, 
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana 
Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen. 
 3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, 
Ceebtooda dib ha ula noqdeen. 
 4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, 
Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, 
Ilaah ha la weyneeyo. 
 5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, 
Ilaahow, ii soo dhaqso, 
Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. 
Rabbiyow, ha iga raagin.