82
Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey. 
 1 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, 
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda, 
 2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? 
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah) 
 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, 
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 
 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, 
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh. 
 5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, 
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, 
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay. 
 6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, 
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii. 
 7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, 
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood. 
 8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, 
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.