93
 1 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, 
Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, 
Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin. 
 2 Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, 
Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa. 
 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, 
Webiyadii codkooday kor u qaadeen, 
Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 
 4 Biyaha badan codkooda, 
Iyo mawjadaha badda oo waaweynba 
Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare. 
 5 Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, 
Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.