95
 1 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, 
Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna. 
 2 Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, 
Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna. 
 3 Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, 
Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya. 
 4 Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan, 
Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh. 
 5 Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey, 
Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey. 
 6 Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee, 
Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno, 
 7 Waayo, isagu waa Ilaaheen, 
Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira. 
Bal maanta maad codkiisa maqashaan! 
 8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, 
Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal, 
 9 Markay awowayaashiin i jirrabeen, 
Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen. 
 10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, 
Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, 
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii, 
 11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay 
Inaanay nasashadayda gelin.