101
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, 
Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan. 
 2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, 
Bal goormaad ii iman doontaa? 
Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman. 
 3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, 
Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, 
Oo innaba iguma dhegi doono. 
 4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, 
Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono. 
 5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, 
Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono. 
 6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, 
Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona. 
 7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, 
Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono. 
 8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, 
Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.