108
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud tiriyey. 
 1 Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, 
Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda. 
 2 Shareerad iyo kataaradow, toosa, 
Aroorta hore waan toosi doonaa. 
 3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, 
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda. 
 4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, 
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha. 
 5 Ilaahow, samooyinka ka sarree, 
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso, 
 6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, 
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab. 
 7 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, 
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod, 
 8 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, 
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, 
Yahuudahna waa ushaydii boqornimo. 
 9 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, 
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, 
Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa. 
 10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? 
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona? 
 11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin? 
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada. 
 12 Cadowga naga caawi, 
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh. 
 13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, 
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.