121
Gabayga meelokoridda. 
 1 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, 
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa? 
 2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa 
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka. 
 3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, 
Kan ku dhawraa ma gam'i doono. 
 4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa 
Ma gam'i doono, mana seexan doono. 
 5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga, 
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan. 
 6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. 
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono. 
 7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, 
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada. 
 8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba 
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.