127
Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey. 
 1 Haddaan Rabbigu guriga dhisin, 
Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, 
Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, 
Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa. 
 2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, 
Oo aad kibista dhibka cuntaan, 
Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo. 
 3 Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. 
Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa. 
 4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, 
Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu. 
 5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, 
Iyagu ma ay ceeboobi doonaan 
Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.