133
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey. 
 1 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay 
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan! 
 2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa, 
Oo ku soo dareertay gadhka, 
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun, 
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa, 
 3 Waana sida dharabka Buur Xermoon, 
Oo ku soo dega buuraha Siyoon, 
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako, 
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.