Su'aal: Waa maxay macnaha inaad ciise u oggolaatid in noqdo badbaaiyahaaga gaarka ah?

Jawaab:

Ma oggolaatay inuu ciise noqdo badbaadiyahaaga gaarka ah? Si aad si sax ah su'aasha ugu fahamtid, waa inaad marka hore fahamtaa kalmadaha: Ciise masiixi, Gaar, iyo Badbaadiye.

Waayo Ciise Masiixi? Dad badani waxay qirayaan Ciise Masiix inuu nin wanaagsan yahay, Macallin weyn, iyo weliba inuu nabi ilaahay yahay. Intaas oo dhan xaqiiqadii wuu wada yahay ciise, laakiin si buuxda uma aysan wada sheegin qofkuu runtii yahay.

Baybalku wuxuu noo sheegayaa inuu ilaah ahaa (hilib ahaan?) ilaah qaab aadane leh (see John 1:1,14). Ilaah dhulkuu yimid si u wax noo baro, noo daweeyo, noo saxo, noo cafiyo, oo u noogu dhinto. Ciise Masiixi waa ilaah, waa abuure, waana boqor sarreeya. Ma oggolaatay ciisahan?

Waa maxay badbaadiye?, Maxaanse ugu baahan nahay badbaadiye? Baybalku waxuu noo sheegayaa inaan wada dambaabney, annagoo dhan camallo shaydaan sameynay (Romans 3:10-18). Danuubtayada awgood, waxaan istaahilnaa carada alle iyo xukunkiisa. Ciqaabta keliyoo xaqa oo dembiyaal laga galay ilaah weligi jira waa ciqaab abid ah/waarta (Romans 6:23; Revelation 20:11-15). Saasaan ugu baahannahay badbaadiye.

Ciise Masiix dhulkuu yimid, wuxuuna ku dhintay meeshayadii/annaguu noo dhintay. Dhimashada Ciise waa hor u bixin abid ah oo dambiyadayada (2 Corinthians 5:21) Ciise wuxuu u dhintay inuu baxsho ciqaabtii dunuubtayada/dembiyadayada (Romans 5:8) Ciisaa baxshay si annagu annaan u bixin. Dib u soo noolaashada ciise waxay caddeysay in dhimashadiiso ku fillaatatay bixinta magtii dambiyadayada/dunuubtayada. Saasuu Ciise u yahay kan keliya oo bedbaadiyaha ah (John 14:6; Acts 4:12). Ma u rumeyneysaa ciise badbaadiyahaaga?

Ciise ma yahahay badbaadiyahaaga gaarka ah? Dad badan waxay u arkaan iney masiixiyadu tahay kaniisadda oo la tago, caadooyin la sameeyo iyo/ama dunuubta qaar ka mida oon la sameyn. Taasi maaha massixiyo. Masiixiyada runta ahi waa xiriir gaaroo kaala dhexeeya Ciise Masiixi. Oggolaashada ciise inuu noqdo badbaadiyahaaga gaarka ah, macnaheedu waa inaad rumeysid kuna qanacdid isaga. Qofnna kuma badbaadin caqiiddada dad kale, qofnna laguma cafin waxyaalo gaara uu sameeyey. Sida keliya ood ku badbaadi kartaa waa inaad oggolaatid inuu Ciise yahay badbaadiyahaaga gaarka ah.

Dhimashadiisii waa inaad u garatid inay naf hurid dunuubtaada, dib u soo noolaashadiisana u aragtid damaanad nolol aakireed abida (John 3:16). Ciise badbaadiyahaaga gaarka ah miyaa? Haddaad rabtid inaad oggolaatid inuu Ciise noqdo badbaadiyaaga gaarka ah, ku dheh kalmadaha soo socda ilaahay, Xasuunow, dhihidda ducadan ama duco kale kuma badbaadinayaan. Keliya rumeynta ciise masiixi iyo shaqadii uu kuugu dul dhameeyey macatabka ayaa kaa badbaadin kara dambi. Ducadani waxaa keliya oo ay tahay qaab Aad alle ugu sheegeysid saad u aaminsantahay, ugana mad celineysid badbaadadiisa.

Iilaahow waan ogahay inaan danbi kaa galay oon ciqaab mudanahay, laakiin waxaan aaminsanahay inuu ciise masiixi qaatay ciqaabtaan mudnaaa, rumeyntayda darteednna laygu cafiyo. Waxaan helaa cafis dalabkaaga, waana ku aaminey sii la ii baadbaadiyo. Waxaan aqbalay inuu ciise noqdo badbaadiyahayga gaarka ah. Waad ku mahadad santahay sarreyntaada cajiibka ah iyo cafis kaaga- hadiyada nolol aakhiro abida... Aamiin.

Miyaad go'aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.

Su'aal: Ciise Ma ilaahbaa? weligiis ciise ma sheegtay ilaahnimo?

Jawaab:

Ciise weligees lagama warrin baybalka inuu yiri kalmadahaas cad, " ilaah baan ahay' hase ahaatee, taas macnaheedu maahan inuusan sheegin inuu ilaah yahay, tussalo u soo qaado kalmadaha ciise ee ku xusan john 10:30 "aniga iyo aabuhu waa mid" waxxan u baahannahay oo kelya inaan eegnno/ fiirinno sidey yahuuddu uga dhiidhisey oraahdiisa si aan u ogaanno inuu sheeganeyey ilaahnimo. Waxey isku dayeen iney dhagaxyeeyaan sababtaan darted. - adiga oo nin uun/keliya ah baad sheeganeysaa inaad ilaah tahay. (John 10:33). Yahuudu waxay runtii garatay waxa uu ciise sheeganayo, eegnna ciise ma dafirin inuu ilaahnimo sheeganayo, markuu ciise ku dhawaaqay, " aniga iyo aabuhu waa mid" (John 10:30) wuxuu laha in asaga iyo aabuhu yihiin hal mid, isku wax ah, John 8:58 waa tusaale kale, ciise wuxuu yiri, "Runtaan idiin sheegayaa, intuusan ibraahim dhalan, "waan ahay/waxaan ahay"jawaabta yahuudii erayadaas maqashay waxay ahayd inay dhagaxyo qaateen si ay ugu dilaan been abuur/qadaf, sida sharciga muuse ku amray iney sameeyaan (Laviticus 24:15) John wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa fikirka ah inuu ciise rabi yahay:" eraygu wauxuu ahaa ilaah, misna eragu wuxuu noqday hilib/naf (John1:1,14) tixahaasi/ayadahaasi waxay si cad u tilmaamayaan inuu Ciise ilaah ka yahay jirka/hilibka/nafta. Acts 20:28 wuxuu noo sheegayaa" noqda dhawrayaashii keneesada ilaahay, taasoo uu ku gaday dhiigiisa" yaa gaday kaneesada- kaneesada ilaahay- dhiigiisa? Ciise Masiix, Acts 20:28 waxay sheegeysaa " inuu ilaaheey kaneesadiisa ku gatay dhiigiisa, sidaas darted ciise waa ilaah!

Thomas raacsane/arday wuxuu ciise ka yiri, " sarreyahaygiiyow,ilaahayow, (John20:28) ciisana kama sixin. Titus 2:13 wuxuu nagu boorrinayaa inaan sugnno imaatinka ilaaheena, badbaadiyaha, Ciise Masiix, (arag sidoo kale 2 Peter 1:1) Hibrew 1:8, Aabuhuna wuxuu ciise ku caddeynayaa, laakin wiilka waxuu ka leeyahay," carshigaaga allow wuu jirayaa weligiis iyo weligiis, toosnaantuna waxay ahaaneysaa ubucda/salka boqortooyadaada, aabihii wuxuu ku sheegayaa ciise ilaah,muujineysa inuu dhabtii ciise ilaah yahay.

Waxyigana, malaa'ig baa waxay fareysaa John inuu ilaahay kaliya caabudu (Revelation 19:10). Dhowr goor/jeer baa ciise la caabudey sida baybalka ku taal (Mathew 2:11,14:33,28:9; 17; Luke 24:52; John9:38) weligiisna kama diidin/cambaareyn dadku iney caabudaan. Ciise haduusan ilaah ahayn, wuxuu daka u sheegi lahaa ineysan caabudin, sida malaa'igtii waxyiguba sameysay, aayado iyo tixo badan oo qoran baa jira oo u doodaya ilaahnimada ciise.

Sababta ugu muhiimsan ay tahay inuu ciise ilaah yahay, waa hadii uusan ilaah ahayn, geeridiisu kuma fillaateen iney bixiso ciqaabta dunida oo dhan (1 John 2:2) Nafle la wax la abuuray buu noqon lahaa ciise haduusan ilaah ahayn, mana uu bixinkaro magta laga rabo dambi laga galay ilaah abid jira, ilaah keliyaa bixin karaa mag sidaas u badan. Ilaah keliyaa wada qaadan kara danuubta dunidoo dhan (2 Corinthians 5:21), dhimo oo dib ha laguu soo nooleeyo, waxuu caddeyey siduu uga adkaaday/guuleystay dambi iyo geeri.

Su'aal: Ma heshay nolol waarta?

Jawaab:

Babalku wuxuu si cad noo tusayaa jidka loo maro nolol waarta. Kow waa inaan aqoonsanaa inaan alle dambi ka galnay" waana la wada dambaabay oo sarreynti alle meel looga wada dhacay" (Romans 3:23). Annagoo dhan waxaan sameynay waxyaalo aan alle farxad galin, oon ciqaab ku astaahilnno. Mar haddii dambiyadayada oo dhan ay ugu dambeyntii liddi ku yihiin ilaah weligii jira,. waxaa keliya oo nagu haboon waa ciqaab abid ah. " ajarka ama xukunka dembigu waa geeri, laakiin hadiyadda alle waa nolol abida oo loo marayo boqorkayaga ciise (Romans 6:23).

Hase ahaate ciise masiixi, dambi laawe (1 peter 2:22) wiilka dhabta ah oo ilaahay nin ayuu noqday (John 1:1,14) markaan wuxuu u dhintay inuu baxsho dembiyadayada. Ilaah wuxuu ku bandhigayaa sidaas suu noo jecel yahay: annagoo weli dambiiliyaal ah, Ciise annaguu noo dhintay" (Romans 5:8). Ciise wuxuu ku dul dhintay macatabka (John 19:31-42) qaadanayana ciqaabtaan muteysanay (2 corinthians 5:21). Saddex maalmood ka dib wuxuu ka soo kacay dhimashadii (1 corinthians 5:14) caddeyeyna siduu uga adkaaday dambi iyo geeri. Naxariistiisa weyn wuxuu nagu siiyey dhalasho cusub oo rajo nool ah oon ku helnay dib u soo noolaashada ciise masiixi (1 peter 1:3).

Caqiido ahaan waa inan beddallo waxaan ka aaminsannahay ciise- qofka uu yahay, wuxuu sameeyey iyo sabata - badbaado darted (Acts 3:19). Haddan isaga rumeynno, rumeynno ku dhimashadiisa macatabka uu ku bixinayey dembiyadeenna waa nala cafin, waxaana heleynaa ballan qaad inaan jaano abid kuu noolaan doonno. Ilaahna saasuu dunida u jecel yahay oo waa kaa wiilkiisii keli ahaa baxshey, sidaas darted qof kasta oo rumeeyaa ma baabi'i doono ee nolol daa'n ah buu heli (John 3:16) Haddaad afkaaga ka qiratid ciisaa weyne ama boqor ah ood qalbigaagana ku rumeysid inuu ilaah ka soo toosiyey geeri, waa lagu bedbaadin (Romans 10:9). Rumayn keliya wuxuu ku sameeyey ciise macatabka waa jidka keliya oo saxda ah oo lagu gaari karo nolol aakhiroo abida., sidaasna waa laguu badbaadiyey, caqqido awgeed, adigana kaama iman ee waa hadiyad alle, shaqana laguma helo, cidnna kuma faani karto (Ephesians 2:8-9).

Haddaad rabtid inaadciise masiix aqbashid inuu badbaadiyahaaga noqdo, waa tan duco tusaale ah: Xasuusunow dhihidda ducadaan iyo tu kale toonna kuma badbaadin karaan, ciisood rumeysaa waa sida keliya ood uga badbaadi karto dembi. Ducadani waa un qaab aad ugu sheegi karto alle inaad rumesey, ugana mahad celineysid siduu kuu bedbaadiyey. "ilaahow waan ogahay inaan dembi kaa galay, oon ciqaab mutaystay, laakiin ciise masiixi baa qaatay ciqaabtii aan mutaystay, si aan asaga u rumeyoo oo la'iigu cafiyo. Adigaan ku rumeynayaa si aan u baabaado. Waad ku mahadsantahay sarreyntaada cajiibka ah iyo cafiskaaga. Nolol aahkiroo abida.

Miyaad go'aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.

Su'aal: Ilaah ma Jiraa? Jiritaankiisa maxaa lagu caddeyn karaa?

Jawaab:



Jiritaanka ilaahey lama caddeyn karo lamana dafiri karo - Baybalku wuxuu noo sheegayaa: waa inaan oggolaanaa, iimaan ahaan xaqiiqada ah inuu ilaah jiro, iimaan la'anna ilaahey lema raali gelin karo sababta oo ah qofka isaga u yimaadaa waa inuu ogolaaadaa inuu jiro oo uu ogaada lnuu u abaalgudayo qofkii si niyad leh uu soo raadiyo" (Hebrew ll:6). Hadduu ilaahey rabi lahaa intuu ismuujiyo ayuu dunida oo dhan uga marag kici lehaa jiritaankiisa. Hadduu sidaa yeeli lahaa aaminiaad looma baahdeen. "ciise wuxuu u sheegay "waxaad ii rumeysay maxaa yeelay waad i arragtey, waxaa barakeysan kuwa ayagoon i arag i rumeeyeyaan " (John 20:29).

Hase yeeshee taas macneheedu maaha ilaahey jiritaankiisu caddeyn uma baahna. Baybalku wuxuu yidaahdaa "samadu waxey ku dhaawaaqda " cadamada/sarreynta ilaahey. Cirku wuxuu sheegaa farsamada Gacmihiisa Maalinba Maalinta ka dambeysana saas beey uga hadlaan. Habeenba habeenka ku xigana aqoon ayey muuj'yaan. Ma jiro hadal ama luqad aan codkooda lagu maqlin. Codkoodu dhulkoo dhan ayuu wada gaaraa, ereyadooduna cidhifyada/geesaha dunidoo dhan ayuu gaaraa" (psalm (19:1-4). Xiddigaha haddaad eegtid waxaad garan/ fahmi balaadka koonka adduunka oo dhan, adoo daawanaya cajaa'ibka dabiiciga ah, ood fiirsatid quruxda cadceedu markey dhaceyso - waxyaabahaas oo dhan waxey tilmaameyaan jiritaanka ilaahey wax abuura, waxyaalahaas oo dhan' haddeyna kugu fileyn, caddeyn kale ayaa qalbigenna ku dhex Jira. "Ecclesiastes 3:11 " wuxuu noo sheegayaa inuu yaqiin abida qalbiga bani admiga ku dhex abuury."

Qalbgeena gudihiisa waxynu dareemeynaa in nolosha addunkan nolol ka damleysa iyo qof kale oo ka baxsan adduukan iney Jiraan. Caqli ahaan waan dafiri karnaa cilmigaan. laakinse jiritaankiisu innaga iyo hareeraheennaba oo waa wax aad uga muuqda. Iyadoo sidaas ah baybaLku wuxuu nooga digeyaa iney jiri karaan dadka qaarkiis oo dafirsan jiritaankiisa "Doqon wuxuu qalbigiisa ka yiraahaa ilaah ma jiro" (psalm 14:1) madaama badankood ummadihii taariikhihii soo jiray, dhaqamadii,iyo xaddaarooyinkii, ee qaarad kasta ay wada aaminsanaayeen jiritaanka ilaah. Waaa iney jiraan wax/ ama qof sababaya oo caddeynayaa caqiiddada jiritaanka ilaahey. Waxaa kaloo doodda baybalka wehilya dood caqli gal ah.

Kow- dooddan waxa loo yaqaan " Doodda ontiologlcal". Qaabka ugu caansan doodda magacaas lehi waxey adeegsaneeysaa fikirka ah waa inuu alle caddeyaa jiritaanka alle. Waxayna ku bilaabaneysaa in" alle yahay axad wax ka weyn/sarreeyaa eysan jirin" marka in la jiraa waxay ka sarreysaa inaan la jirin., sidaas darteed waxa ugu weyn oo la aqbali karaa waa iney jiraan, haduusan ilaah jirin, marka ilaah ma noqon karo waxa/axad u sarreya/weyn oo la aqbali karo, taasina waxay burineysaa kana hor imaneysaa sifaha ilaahey. Doodda labaad waa waxa loo yaqaan, doodda Teleological. fikar kani wuxuu leeyahay, mar hadii koonku soo bandhigayo/ka muuqato farsamooyin cajiib ah, waa inay jirtaa awood ka dambeysa. Tusaale, xitaa haduu dhulku dhawr boqol oo mile u dhowaan lahaa ama ka fogaan laha qorraxda, maanu awoodi kari lahyn dhulku inuu taageero/ku noolaadaan nafleyda hadda ku nool, hadii hawadayada ay wax yar ka geddisnaan lahayd sida ay hadda tahay inta badan nafleeydu wey dhiman lahayd, suurto galnimada in 1 qeyb oo nuxurka/protein uu sameysmaa waa 1 10243kiiba (waa 10 lagu taxay 243 eberro ah) hal seel wuxuu ka kooban yahay malaayiin qeybood oo nuxur/ Protein ah. doodda saddexaad oo caqli galka ah ee jiritaanka llaahey waxaa loo yaqaan kosmolojikal: Dhacda welba waaa oo dhan waa dhacdo/natijo. waa iney jiraan wixii jiritaankooda keeney. Kaasuna "ilaahay" umbuu noqon karaa.

Dooda afraad waa midda damiirka/akhlaaqda. Dhaqmadii Taariikhihii hore ee la soo dhaafay waxay la haayeen hab, xeerar iyo sharciyo, qof kasta wuxuu lahaa dareen sax iyo qalad ah. Dilka, beenta, xatooyo iyo dhaqan/damiir xumada waa lawada diiday dunidoo dhan. Xaggeebu dareenkan saxda iyo qaladka ahi ka iman karaa oon ahayn ilaah kariim ah.

Iyadoo intaas oo dhan jirto ayuu baybalku noo sheegayaa iney dad diidayaan aqoonta cad oon la dafiri karn oo alle oo ay beddelkeedi been rumeynayaan. Romans 1:25, wuxuu leeyahay; " waxay ku baddesheen runtii ilaahay been, waxeyna caabudeen, una adeegeen wax la abuuray oon ahayn abuure"- waana mid weligiis la ammano, Amiin.

Baybalku wuxuu kaloo caddeynayaa iney daku yihiin kuwo aan sabab u heysan rumeyn la'aantooda ilaahay, maadaama abuuridda ilaahay ee aduunku ay tahay qiimi aan qarsooneyn. Awoodiisa iyo jiritaankiisa waa wax la arkay, sidaas darteed dadku waa cududaar la'aan (romans 1:20).

Waxey dad ku anaddacoodaan iney u diidaan jiritaanka alle, maxaa yeelay kuma dhisnna cilmi, ama caddeyni ma jirto, sababta runta ah waa markey rumeeyaan jiritaanka alle, waxay ogyihiin inuu la xisaabtamayo oo ay ka cafis dalbaan (Romans 3:23, 6:23) haduu ilaah jiro, marka asagaa nagala xisaabtamaya camalkayaga. Haduusan ilaahn jirin, waxaan doonaan sameyn karnaa annagoon ka welwel qabin ilaah na xukumaya, waana sababtaas tan ugu weyn oo ay kuwa dafirsan jiritaanka alle ay aad ugu dheggan yihiin firka ah in wax kasta jiritaan dabiici ah yihiin, waxay sidaasi siineysaa qaab kale oo alle rumeyn ah. Ilaah wuu jiraa, aakhiritaankana qof kastaa wuu ogyahay inuu jiro. Xaqqiqada ah in qaar aad isugu dayayaan iney caddeeyaan inuusan jirin, runtii waa sugid jiritaankiisa.

Sidee baan u ogaan karnaa inuu ilaah jiro? haddaaan nahey masixiyiin waan ognahay inuu jiro, maxaa yeelay malin welba waan la hadalnaa, ma maqalnno asagoo nala hadlaya hadalkiisa, Laakinse inu nala joogo ayaan dareemeyna, Hogaanikiisa ayaan aragnaa, waan ognahay jeceylkiisa. raxmaddiisana waan barinaa. Nolosheenna waxyaalo badan oo wax kale oo loo tiirini karaa aysan jirin ayaa dhaca oon ilaahay ka ahayn. Ilaahey siyaabo cajiiba buu noo badbaadiyey, noloshayadana u beddelay oo aanan wax kele sameyn karin inaan qiranno maahee, bogaadinno oon amaanana jiritaankiisa. doodahaas oo dhan midkoona kama daadajin karto cid diiddan iney qirato wax hore isaga muuqda. Ugu dambeyn jirtaankiisu waa inuu ku saleysnaada aaminaad (Hebrews 11:6). rumeynta ilaahay maahaan bootin indha la'aan ah oo mugdi lagu boodayo; waa tilaabo nabad ah oo lagu tilaabsanayo qol/maqsin aad u iftiimaya oo dadka badandoodii horey u joogaan.

Su'aal: Ilaah ma Jiraa? Jiritaankiisa maxaa lagu caddeyn karaa?

Jawaab:

Haddaan masiixi rumeeyey, dabadeenna/ ka bacdina?

Hambalyo: Go'aan nolol beddel/ wax ku ool ah baad qaadatay, haddaba waxaad malaha isweydiineeysaa, maxaa xigi doona? sidee baanse ilaahey ula safri karaa?" Shanta tallaabo hoos ku qoran ayaa baybalka tilmaamo kaa siin doona. Markaad su'aalo safarkaaga ka qabtid fadllan booqo: www.GotQuestions.org/Soomaali.

1-xaqiiji inaad fahamtid badbaadada.

1 John 5:13 wuxuu noo shegeyaa, waxyaabahan Waxaan u qorayaa adinka kuwa aaminsanoow wiilka ilaahey magi cilsa si aad u ogaataan inaad leedihiin nolol waarta" ilaahey wuxuu rabaa in aan fahamno badbaadada. Ilaahey wuxu rabaa in aan helno kalsoonida oo aan ku ogaaneynno si dhab ah in nala badbaadiyey. Si kooban aan u dul marro qodobada ugu muhiimsan badbaadada

a. dhamaanteen weynu denbaabney. Kulligeen waxeynu ku kacney wax aan alle faraxgelineyn (Romans 3:23 )

b. Denbigayaga Dartiis waxeynu muteysanney in nalagu ciqaabo ka go'onaan alle abidkeen (Roman 6:23)

c. Ciise wuxuu macatabaka ugu dul dhintey inuu baxsho denbiyadeenna dartood (Romans 5:8; 2 corinthians 5:21) Ciise annaguu noo dhintey, isaagoo qaatey ciqaabtaan muteysanney, dib u soo noolaantiisuna waxay caddeysey iney geerida ciise ku fillatay bixinta dembiyadeennii..

d. ilahhey cafiskiisa iyo badbaado wuxuu u fidiyaa kuwa aamina ciise rumeeyana iney geeridiisu ahayd bixinta danuubteennii (John 3:16; Romans 5:1; Romans 8:1)

Waa taa farriinta badbaadadu haddaad aaminsan tahay inuu Ciise masiix yahay badbaadiyahaaga. Waa lagu badbaadiyey, dunuubtaadaii oo dhan waa la cafiyey, ilaahna wuxuu kuu ballan qaadayaa inuusan weligiis kaa tagin ama ku dayicin/dayrin (Romans 8:38-39 Mathew 28:20). Xusuuso badbaadadaadu Ciisey ku jurta (John 10:28:29). haddaad aaminsantahey inuu ciise kelgiis kuu yahey badbaadiye. Waxaad ku kalsoonaan kartaa inaad abidkaa ilaahay jannada la joogeysid.

2-Hel kaneeso fiican oo ku barta baybalka.

Ha u qaadanin kaneesada sar/dhismo oo kale, kaniisaddu waa dadka. Waxa muhim ah in kuwa aaminsanCiise masiix ay isu yimaaddaan.taasi waa sababaha muhiimka oo keneesadu tan ugu weyn. marka haddaad anmintey Ciise masiix, wax aan kugu borrineyaa inaad heshid keneesad aaminsan baybalka oo ku taal deegaankaaga, lana hadal wadaadkeeda, hana ogaado caqiidadaada cusub ee Ciise masiixi.

Danta/muhimada labaad ee keneesadu waa baridda baybalka, waxaa baran kartaa sida amarada ilaahay ugu dabaqdid noloshaada/ugu dhaqi lahayd nolshaada, fahmaya inuu baybalku yahay furaha sidaad ugu noolaan lahayd nolol guul leh oo masiixinimo ah. 2 Timothy 3:16-17. waxuu leeyahay waxa ku qoran baybalku waa wada neef ilaahay oo ku fiican barashada,,cambaareynta, sixid iyo taba barka toosnaanta,sidaa darteed ninka ilaaheed/ahlu diinka ah wa uu si buuxda ugu qalabeysan yahay hawl kastoo fiican.

uJeedada saddexaad ee kanisadda waa cibaadeysasho, cabudaadu/cibaadeysigu waa alloo looga mad celinaya wuxuu sameeyay oo dhan. ilaah wuu na badbadiyey. Ilaahey wuu na jecel yahey. Waxbuu na siiyaa, wuu na hagaa, nana tilmaamaa. Sidee baa nan ugu mahad naqeynin. Ilaahey waa kheyr, waa qumane, waa na jaceyl, waa raxmadleh, waa sarreeye. Revelation 4:11 wuxuu leeyahay ilaahayoow waad ku haboontahey/ u qalantaa boqorow, ilaahayow inaad heshid sharaf iyo qaddarin iyo awood, Adaa wax welba abuurey. Rebitankaaga ayeyna ku yimadeen."

3-Waqti sii maalin walba ilaahay.

Aad bey muhiim noogu tahay inaan maalin kasta waqti siinno ilaahay, dadka qaar waxey tan ugu yeeraan; " waqti deggan/xasiloon" Qaarnna waxay ugu yeeraan, " u gaar yeelid" maxaa yeelay waa waqtiga aan u gaar yeelnno naftayada ilaahay, qaar waxay jecel yihiin inay waqti subaxdii ah siiyaan, qaar kale waxey door bidaan fiidkii, macno kuma fadhido waxaad u bixisid iyo waqtigad ka dhigatid, waxa muhiim ah inaad waqt joogto ah ilaahay la qaadatid. Xaaladu sidee ah bey ka kooban yihiin la joogiddyada alle?

A- ducooyin/salaado, Ducado waa la hadal ilaahay. Kala hadal ilaahay xaaladahaaga, dhibaatooyikaaga, weydiisu ilaahay inuu ku siiyo garasho/xikmad iyo hanuun, weydiiso ilaahay inuu ku siiyo waxaad u baahantahay, u sheeg ilaahay sidaad u jeceshahay iyo sidaad ugu faraxsantahay wuxuu kuu sameeyey oo dhan. Waa saas waxay duco tahay.

B- Baybal aqris/ baybalka keniisada lagugu baro, dugsi axaddda ah iyo/ama baybal barasho, waxaad u sii baahan tahay inaad adigu aqrisatid baybalka, baybalka waxa ku jira wax kasta ood u baahan tahay inaad ogaatid si aad ugu noolaatitid nolol masiixinimo oo buuxda/guul leh, waxaa ku jira hagid/hanuunin ilaahay, si aad u qaadatid go'aanno fiican, sida loo ogaado damaca/rabitaanka ilaahay, sida dad kale loo wacdiyo, sida loo kobciyo ruuxaaga/caqqiddadaada, baybalku waa hadal alle noo soo diray, baybalku waa awaamir/tilmaamo ilaahay oo sidaan ugu noolaan lahayn nolol isaga faraxgelisa, annagana na qancisa.

4-Xiriir la sameyso dad kaa caawin kara caqiiddo ahaan.

1 Corinthians 15:33 wuxuu noo sheegayaa," yaan lagu duufsan: saxiib xumi wuxuu fasahaadiyaa dhaqanka wanaagsan" haddaan muddo la soconno kuwo gala ficillo dambi ah, waxay nagu keeni inaan u hanqaltaagnno waxey sameynayeen. Dhaqnka/khuluqa kuwa naga agdhaw wuu nagu tirmi annagana, sidaas beyna muhiim u tahay inaan isku hareereyno dad kale oo boqorka jecel una daacad ah.

Isku day inaad heshid saaxiib ama labo, oo aad isku keneesad tihiin haddey suurowdo oo ku saacidi kara kuna dhiirrin gelin kara (Hebrew 3:13; 10:24) weydii saaxiibadaa inay kugula xisaabtamaan waqtigaaga deggenaanta ah, ficilladaada iyo lasocod kaaga ilaahay, weydii haddaad iyagana sidaas oo kale u sameyn kartid. Tan maceheedu maahan inaad saaxibadaada kale oon aqoonsaneyn inuu ciise badbaadiyahooda yahay goysid, waa inaad waddaa la saaxiibtinimadooda, jeclowna. U sheeg inuu ciise noloshaadii baddelay oo aadan sameyn karin waxaad sameyn jirtey oo dhan, wiiydiiso ilaahahey fursad aad ciise saaxibadaa kula wadaagtid.

5- dhex gal biyaha.

Dad badan qalad bay ka haystaan biyo dhex galka, kalmadda "baptize" maneheedu waa biyo quusid, waana habka baybaliga ah ood si muuqata u caddeyneysid caqiiddadaada cusub oo ciise iyo ballan qaad kaaga inaad raaceysid, ficilka biyo quusinto wuxuu tilmaamayaaa in lagula aasay masiix. Ficilka aad biyaha uga soo baxeysaa wuxuu sawirayaa dib u soo noolaantii masiix, in biyaha lagu quusiyaa waxay kuugu magac dareysaa geeridii ciise, aasidiisii/duugidiisii iyo dib u soo noolaantiisii (Romans 6:3-4).

Biyo dhex gelintu maahan waxa ku badbaadinyaa, biyo dhex gelinto ma mayreyso dambiyadaadii, biyo dhex gelintu waa un tallaabo addecid/amar qaadasho ah. Ku dhawaaqid dad dhexdiis rumeyntaada ciise si laguu badbaadiyo, biyo dhex quusiduu waa muhiim, maxaa yeelay waa tallaabo addeecid/amar qadasho ah. Inaad sii muuqata/dad dexdiis ku dhawaaqdid rumeyntaada/caqiiddadaada ciise masiix iyo bllan kaaga inaad raacdid. Haddad u diyaar tahay in lagu quusiyo biyo, waa inaad la hadashaa baadariga.

Su'aal: Ma Heshay Cafis? Sidee baan u Heli Karaa in Dambiyadeyda oo dhan alle iga cafiyo?

Jawaab:



Acts 13:38 wuxuu ku dhawaaqey "marka, walaalayaal. Waxaan rabaa inaad ogaataan In Ciise fadligiisa, waxaa leydiin ku yaboohay cafis"

Cafis waa maxay? maxaanse uga baahanahey?

Erayga "cafis" macnihiisu waa sida looxa oo la nadiifiyey; Danbi dhaaf, deyn la daayey. Markaan qof qalad ku sameynno, waxaan raadinaa cafiskooda si xiriirkii loo soo celiyo, cafis lama hubo oo mudnaan laguma helo, qofna ma mudna in la cafiyo, cafisku waa ficil jaceyl, naxaxiis iyo dulqaad. Cafisku waa go'aan inaadan wax caloosha qof kale ugu qaadin, wax kasoo ay kugu sameeyeen.

Baybalku wuxuu noo sheegayaa inan annagoo dhan cafis uga baahannahay ilaahay, annagoo dhan dambi baan gallay, Ecclesiastes 7:20 wuxuu sheegayaa, ma jiro nin/qof toosani aduunka/dhulka oo sameeya wax saxa oo aan dambaabin,." 1 John 1:18 wuxuu leeyahay, ; haddaan ku anddacoonno inaanaan dambi lahayn, nafteennaan khataleynaa/sireynaa, runtuna naguma jirto. " Dambi oo dhan ugu dambeyntii/aakhiritaanka waa ficil alle looga horjeedo/mucaaradayo (Psalm 54:4) natiijo ahaanna, waxaan aad ugu baahannahay cafis ilaahay, haddaan danuubtayada la cafin, waxaan weligayo ku jireynaa dhibatada ay na dhaxalsiiyey dunuubteenna (Mathew 25:46; John 3:36).

Cafis-Sideen ku heli karaa?

Alxumdu lilaah, Ilaah wuu jacayl iyo naxariis badanyahay, wuu jecel yahay inuu noo dambi dhaafo, 2 Peter 3:9; wuxuu noo sheegayaa, " wuu noo dulqaataa, mana doonayo in qofnna baaba'o, laakiin qof walbo toobad keeno, ilaah wuxuu rabaa inuu nacafiyo, sidaas wuxuu ku baxshay cafiskeenna.

Ciqaabta keliya xaqa ah oo dembigeennu waa geeri. Nuska/barka hore ee Romans wuxuu sheegayaa. " iney abaalka/mushaarka dambigu yahay geeri, geeri waartaa waxaan ku helnay dunuubtayada, ilaah, qorshihiisa toosan, wuxuu noqday banii adam- Ciise Masiixi (1:1; 14), Ciise wuxuu ku dul dhintay macatabka, waxuuna qaatay xukunkii/ciqaabtaan muteysanay- geeri. 2 Corinthians 5:21 wuxuu na barayaa, `" Ilaahay wuxuu ka dhigay midaan dembi lahayn sii dambi noogu noqdo, sidaa darteed inaan isaga sax u noqonno bey noqon. Ciise wuxuu ku dul dhintay macatabka, asagoo qaadanaya waxaan muteysaney, ilaah ahaan, Ciise geeridiisu waxay bixisey cafis dunuubta dunidoo dhan. 1 John 2:2 waxay sheegeysaa, wuxuu yahay naf hurid toobad dalab ah. Oo aan annaga keliya ahayn ee weliba weliba dunuubta dunidoo dhan. Ciise geeriduu ka soo kacay, kuna dhawaaqay inuu ka adkaaday/guuleystey dembi iyo geeri (1 Corinthians !5:1-28) amman ilaahey, geerida iyo dib u soo noolaanta ciise masiix, nuska/barka labaad oo Romana 6:23 waa run, " laakiin hadiyadda ilaaheey waa nolol abid ah oo lagu helayo allenimada ciise masiix.

Ma doneysaa in danuubtaada la cafiyo? Ma dereemeysaa is ciilkaambi/ inaad dambi gashay oo aad moodid inusan tageyn? Dambi dhaaf waa kuu diyaar haddad u rumeysid ciise masiix inuu badbaadidiyahaaga noqdo. Ephesians 1:17 wuxuu leeyahay, soo laabasho baan isaga iyo dhiigiisa ku heleynaa, dembi dhaaf, sida ku xusan ganinimada sarreynta ilaahay, Masiix deymankayagii buu guday, si naloo cafiyo, waxaa oo inaad sameyso yahay, weydiiso ilaahay inuu ku cafiyoo ciise dartiis, adoo rumeynayaa inuu ciise u dhintay si uuu u gudu/baxsho cafiskaaga, wuuna ku cafin doonaa! John 3:16-17 wuxuu ka kooban yahay fariintan cajiibka ah, siduu ilaah aduunka u jecel yahay, waxuu baxshay wiilkiisii, wiilkiisii keliya ahaa, si qof kasta oo rumeeyaa uusan baabi'i doonin, laakiin uu nolol waarta heli doono, ilaaheey wiilkiisa umguma soo dirin dunida inuu dhibaateyo, cambaareeyo/ xukun adag ku rido, laakiin inuu isku badbaadiyo"

Cafis- Miyuu runtii sidaas u sahlan yahay?

Haa, sidaasuu u sahlan yahay, kama ka shaqeysan karttid cafis ilaahay, cafis alle kama gadan kartid. Waxaad ku heli kartaa oo keliya iimaan allaha weyn naxariistiisa. Haddaad rabtid inaad Ciise Masiix oggolaatid inuu noqdo badbaadiyahaaga, kana heshid cafis ilaahay, waatan duco aad ku duceysan kartid, dhihidda ducadan iyo doco kale toonna kuma badbaadin karaan. Ciise Masiix oo aad rumeysaaa waa tan kaliya oo ku siineysa dunuubta oo lagaa cafiyo. Ducadani waa hab/qaab/jid keliya oo aad alle ugu sheegeysid saad u aaminsantahay, ugana mahad celineysid siduu kuu cafiyo. "ilaahow" waan ogahay inaan dambi kaa galay, astaahilana ciqaab, laakiin Ciise Masiix baa qaatay ciqaabtaabtaan astaahilay si imaanka aan ku qabo ciise la iigu cafiyo, Adigaan ku rumeeyey sii aan u badbaado. Waad ku madsantahay sarreyntaadda/sharaftaada cajiibka ah iyo cafiska! Amiin.

Miyaad go'aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.

Su'aal: Waa maxay qorshaha badbaadadu/ jidka badbaadadu?

Jawaab:



Maa baahantahay? Maaha muuqaal ahaan ma baahantahay, laakiin baahi ma u qabtaa wax kale oo nolosha ah? Wax kale ma jiraan naftaada oo weli u muuqda inaadan ka qancin? Haddeey sidaas tahay, ciise waa jidka! Ciise wuxuu yiri, anigaa ah rootigii nafta. Ruux kastoo ii yimaada weligiis ma baahanayo, qof kastoo I rumeeyaana weligiis ma oomayo. (John 6:35)

Ma jaah wareertay? Ma mooddaa inaadan weligaa heli Karin hab/jid/wadiiqo ama dan/qasad nololeed? Ma moodaa in qof nalalkii/laydhkii damiyey/bakhtiiyey oodan heli Karin meeshii laga daari/shidi jiray? Haddey saas tahay, ciise waa jidka! Ciise wuxuu sheegay/yiri, Waxaan ahay iftiinkii dunida, qof kasta oo I raacana gudcur/mugdi weligi kuma socon doono, laakiinse wuxuu heli doonaa iftiinka nolosha. (John 8:12).

Marnna weligaa ma dareentaa in noloshii lagaa xirtay, mA isku dayday albaabo badan? Oo ma aragtay waxa ka dambeeyaa yihiin marnaan iyo macno la'aan? Ma raadineysaa albaab laga galo nolol qanaaco leh/buuxda? Haddey sidaas tahay, waddadu waa ciise.

Ciise wuxuu ku dhawaaqay, anigaa albaabkii ah, qof kastoo aniga ii maraana waa la badbaadin, wuu soo gali wuuna bixi, wuxuuna heli guul/barwaaqo (John 10:9) Dad kali mar kasta ma ku hunggowdaa? Xiriirradaadu mar kasta ma ahaayeen bohol iyo wax maran? Ma mooddaa in qof kastaaba isku dayayo inuu kaa faa'ideysto? Haddey sidaas tahay, ciise waa jidka/waddada, ciise wuxuu yiri, waxaan ahay ari ilaaliyaha fiican, ilaaliyaha fiicani naftiisuu idihiisa u huraa,, waxaan ahay ari raace/ilaaliye wanaagsan/fiican, waan aqaan idahayga, idahayguna wey I yaqaannaan" (john 10:11, 14). Maad ka fekertaa/yaabantahay waxa dhici doona noloshaan ka dib? Ma ka daashay inaad ku/u noolaatid noloshaada waxyaabo/waxyaalo qurma ama maareysta/daxaleysta? Mararka qaarkood ma ka shakisaa iney nolosho macno leedahay? Ma dooneysaa inad noolaatid markaad dhimato ka dib? Haddey sidaas tahay, ciise waa jidka. Ciise wuxuu ku dhawaaqay, : waxaan ahay dib u soo noolaashda iyo noloshaba., Qof kasta oo I rumeeyaa wuu noolaan, in kastoo uu dhintay. Qof kastoo nool/noolaada oo aniga I rumeeyaana weligiis ma dhimanayo (John 11:25-26). Jidku waa maxay? Runtu waa maxay? Nolosh waa maxay? Ciise wuxuu ku jawaabay, " jidku waa aniga, runto waa aniga, Noloshu waa aniga. Qofna uma yimaado aabaha haduusan aniga I soo marin. (John 14:6).

Baahida aad dareensantahay waa baahi ruuxi ah, waxaana keliya oo buuxin kara ciise. Ciise waa kan keliya oo qaadi kara mugdiga, Ciise waa albaabka loo maro nolol lagu qanco. Ciise waa saaxiibka iyo ilaaliyaha aad daydayeeysey. Ciise waa nolosha, noloshan iyo tan danbaba. Ciise waa jidka badbaadada. Sababta aad baahida u dareemeeysa, sababta aad u dareemeyso inaad ku dhex luntay mugdi, sababta aad u weysantahay nolol macna leh, waa inaad ka go'day ilaahay.

Baybalku wuxuu noo sheegayaa inaan dhamaanteen damboowney/dembi galnay, oo aan sidaas darteed ka go'nay ilaahay (Ecclesiastes 7:20" Romans 3:23) Marnaanta aad ka dareemeysid wadnnahaaga waa alle oo ka maqan naftaada. Waxaa naloo abuuray inaan ilaahay xiriir la yeelanno, dambigayaga dartiis waan ka go'nay xiriirkaas, kaba sii daran, dambigayagu wuxuu na dhaxalsiinayaa inaan alle ka go'naano nolosha dambe oo dhan, noloshaan iyo tan kaleba. (Romans 6:23; John 3:36).

Dhibaatadan side wax looga qaban karaa? Ciise waa jidka. Ciise dambiyadayadii asagaa qaatay (2 corinthians 5:21) ciise meeshayadii buu ku dhintay (Romans 5:8) asagoo qaadanaya ciqaabahayagii aan muteysannay. Saddex maalmood ka dib dhimashadiibuu ka soo kacay, asagoo caddeynaya siduu uga guuleystay dambi iyo geeri (romans 6:4-5) Muxuu saa u sameeyey? Ciise su'aashaas asagaa ka jawaabay, jacayla kan ka weyn ma jiro, inuu naftiisa u huro saaxiibadiis (John 15:13) Ciise wuxuu u dhintay si aan annagu u noolaanno, haddaan asaga aaminnana, rumeynnana iney geeridiisu ahayd mag annaga naloo ka baxshey dambiyadayadii, danuubtayadii oo dhan waa la cafiyey, waana la mayray, markaasna baahidayadii ruuxiga ahayd waan nalaga haqabtiray, nala ka ba'shey. Nalalki/Laydhadhkii waa la shidi/daari doonaa. Waxaan marin u heli doonnaa nolol lagu qanco. Waxaan garan doonaa saaxiibkayaga u fiican oo runta ah iyo ilaaliyaha wanaagsan. Waxaan ogaan doonnaa inaan nolol heli doonno markaan dhimanno ka dib. Dib u soo noolaan jannada dhexdeeda oo waarta, lana joognno ciise.

Ilaahey siduu adduunka u jecel yahay wuxuu na siiyey wiilkiisii keli ahaa, qof kii rumeeyaana ma ba'ayo/baab'ayo ee nolol waarta buu heli (John 3:16).

Miyaad go'aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.

Su'aal: Waa kuma Ciise Masiixi?

Jawaab:



Wey ka duwantahay su'aashsa ah: ilaah ma jiraa? Dad yar baa su'aal ka qaba jiritaanka Ciise Masiixi, si baahsan baa loo aaminsanyahay inuu Ciise Masiixi ahaa nin ku socday dhulka Isra'iil 2000 oo sano ka hor. Dooddu waxay bilaabataa markii laga munaaqashoodo mawduuca ku saabsan aqoonsiga Ciise Masiixi. Waxay u badantahay in diimaha waa weyn ay baraan inuu Masiixi ahaa Nabi, ama macallin wanaagsan ama nin ilaahay. Dhibku wuxuu yahay inuu baybalku noo sheegayo inuu Masiixigo ka badnnaa Nabi, macallin wanaagsan, ama nin ilaah.

C.S Lewis buugiisa Masiixinnimo wuxuu qorayaa waxa soo socda: Waxaan isku dayayaa halkan inaan qof kasta kaga baajiyo/celiyo runtii waxa doqonimada ah oo daku ka sheegaan isaga (ciise masiixi): Waxaan u diyaar ahay inaan u aqbalo Masiix sida macallin damiir oo weyn, laakiin ma aqbalayo sheegashadiisa ilaahnimo. Taasi waa hal shay oo ay tahay inaanan dhihin/odhon. Nin ahaa nin uun keliya oo yiri waxyaaluhuu masiixu yiri ma noqonayoo macallin damiir oo weyn. Wuxuu noqonayaa qof aan caadi ahayn/waalan, wuxuuna la dhig ama darajo yahay nin leh wuxuu yahay ukun baqday, dilaacday, hadii kalena wuxuu noqonayaa sheydaankii naarta. Waa inaad kala doorataa nin kani wuxuu ahaa, yahayna wiilkii ilaahay, hadii kale nin waalan ama wax ka xun. Waad isaga xiri kartaa doqon oo kale, candhuuf/calyo baad ku tufi kartaa, una dil sidii shaydaan oo kale, hadii kale ku dhac cagihiisa oo ugu yeer Boqor ama ilaah. Yaanaanse la iman waxyaalo xaqiraad ama jeesjees ah oon qiimo lahayn oo ku saabsan inuu ahaa macallin bani aadama oo weyn. Noogama uusan tagin fursad saas ah oo noo furan, mana uusan damcin.

Marka, yuu sheegtay Ciisi inuu yahay? Yuu baybalku sheegay inuu yahay?. Marka hore aan eegnno Kalmadaha/hadalada ciise ee John 10:30, ; Aniga iyo aabuhu waa mid' daymada u horreysa tani uma eka shegasho ilaahnimo, hase yeeshee eeg jawaabta yahuudda ee kalmadihiisa., ; kuuma dhagaxyeeyneynno sababahaas midnna'bey ku jawaabeen yahuuddo' laakin been abuurasho darted, maxaa yeelay adiga oo nin uun/keliya ah waxaad sheegataty ilaahnimo; ; (John 10:33) Waxay yahuudu u garteen hadalka Ciise sheegasho ilaahnimo. Ayadahaan soo socda, ciisi kama sixin yahuudda, mana dhihin/odhan: "Ma sheegan ilaahnimo". ; Taasina waxey tilmaameysaa inuu Ciise runtii leeyahay ilaahay baan ahay, kuna dhawaaqaya, " Aniga iyo aabuhu waa mid' (John 10:30). John 10:58 waa tusaale kale. " Runtaan idiin sheegayaa,' buu ciise ku jawaabay, " intuusa ibrahim dhalan, waan ahay/Anigu!" haddana, jawaaab celin, yahuuddo dhagaxyeey qaateen ayaguu isku dayaya iney dhagaxyeeyaan ciise (John 8:59).

Ku dhaqwaaqidda ciise waxa uu yahay "waan ahay/aniga waa dabbaqaad/dhaqan gelin toos ah testementigii hore uu ahaa magic ilaahay (Exodus3:14) Maxay yahuuddu u doonayaan dhagaxyeeyaan ciise hadane hadii uusan wax ay aaminsanyihiin inay been ka sheeg ilaahay tahay uusan dhihin, oo ah sheegashadiisa ilaahnimo. John 1:1 waxay leedahay kalmaddu waxay ahayd Ilaah. " John 1:14 "waxey leedahay kalmaddu waxay noqotay hilib/naf" Taasi waxay si cad u tilmaameysaa inuu ciise ilaah yahay nafahaan/hilib ahaan, Thomas taageere wuxuu ku dhahay ciise, 'Boqorkeygiiyow. Ilaahayahow (john 10: 28) ciisana kama saxin. paulna wuxuu isaga ku sifeeyey; " ilaaheennii weynaa iyo badbaadiyeheenni" ' ciise Masiix" (titus 2; 14)

Xaqiijiye peterna sidaas oo kaluu yiri," ilaaheenna iyo badbaadiyaheenna " ciise Masiix (2 peter 1:1) Ilaaha aabaha ahina marag buu ka yahay wuxuu yahay ciise masiix., laakiin wiilka wuxaa ka yiri, Carshigaaga, oo ilaahow wuu jiri/waari weligiis, sax aansho/toosnaani waa ubucda/salka boqortooyadaada. Caddeyntii/markhaatigii hore/duugga ahaa waxay qireysaa ciise oo sheegaya sifihiisa, ' Annaga ilmo waa noo dhasheen, Annaga wiil waa nala siiyey, Dawladduna garbihiisey saarnaaneysaa, Waxaana loogu yeeri doonaa la talye cajiib ah, ilaah awood badan, Aabe weligiis jira, amiirkii nabadda" (Isaiah 9:6).

Marka sida uu C.S Lewis ku dooday in ciise loo rumeeyo inuu macallin fiican keliya ahaa maaha wax la ogol yahay, Ciise si cad oon la inkiri Karin buu u sheegay inuu ilaah yahay, Huduusan ilaah ahayn, narka waa beenlow, markaasna nabi maahan, macallin fiican maahan, nin ilaahna maahan, Isku dayo lagu sharraxayo kalmadaha ciise, ayaa aqoonyahanno" Casri" ahi" waxey ku anddacoodeen, Ciisihii runta ahaa oo taarikhiga ahaa ma uusan odhan/dhihin wax badan oo baybalku u tiirinayo. Yaan nahay markaan ka murmeynno hadalkii ilaahay oo khuseysa wuxuu Ciise yiri ama uusan oran/dhihin,. Seebuu aqoon yahan labo kun oo sano ka dambeeyey Ciise uu uga xog ogaal san yahay wuxuu ciise yiri ama uusan oran/dhihin kuwii la noolaaday, la shaqeeyey uuna wax baray ciise laftigiisu (John 14:26)?

Maxay su; aasha waxa uu ahaa ciise ay sidaas aad muhiim ugu tahay? Maxa ku jaban haduu ciise ilaah yahay iyo hadii kale? Sababta ugu muhiimsan inuu ciisi ilaah noqdo waxaa weeye haduusan ilaah ahayn, geeridiisii kuma fillaan lahayn in lagu baxsho dambiyadii dunidoo dhan gashay (1 John 2:2) ilaah keliya ayaa bixin kara ciqaabtaas badan (Romans 5:8; 2 Corinthians 5:21) Ciise waa inuu ilaah yahay, si uu deymankeenna u baxsho, Ciise waa inuu nin yahay si uu u dhinto, Badbaado waxaa lagu helaa ciise masiixi oo la rumeeyo. Sarreyntu/cadamadu waa sababta uu u yahay jidka keliya oo badbaadu lagu heli karo, Ciise sarreynta iyo cadiimnimadiisu waa sababta uu u yiri, "waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha" Qofnna uma iman karo aabaha asagoon aniga I soo marin (John 14:6)

Su'aal: Waa maxay masiixi?

Jawaab:



Diiwaan qeexidda masiixigu waa wax la mida ah (waa qof qiraya rumayn inuu ciise yahay masiixiga, ama diin ku saleysan baritaanka ciise, Iyadoo ay sedani tahay bilaw fiican, sida diiwaanno badan sharaxoodo yahayba, wey ka hooseeyaan runta baybalka iyo waxa ay tahay masiixinimadu. Kalmadda Masiixi, saddex goor/jeer baa lagu isticmaalay testameentiga cusub (Acts 11:26; 26:28' 1 peter 4:16). Dadkii raacay Ciise waxaa markii hore loo baxshey, Masiixiyiin oo "Antioch" (Acts 11:26) maxaa yeelay dhaqankoodi, ficilkoodii iyo hadalkoodiiba wxay la mid noqdeen masiix.. Kalmada Masiix macnaheedu waa : ka mid ahaansho xisbiga masiix, ama taabacsani/raace/taageeri masiix.

Nasiib darro, muddo ka dib, kalmadda Masiixi waxay lumisay in badanoo qiimaheedii ah, waxaana marar badan loo isticmaalaa qof mutadayin?diinle ah oo sharaf ama qiimo leh oo runtii taabacsan ama taabacsaneyn ciise masiix.. Dad badan oon rumayn ama aaminin Ciise Masiix baa waxey isu haystaan masiixiyiin, maxaa yeelay waxay aadaan kineesadda, ama waxay ku nool yihiin dal masiixi ah, Laakiin kiiniisad aadidu, wax u qabasho kuwo kaa liita, ama ahaansho qof fiican kaama dhigeyso masiixi Aadid keniisaddu kaama dhigeyso masiixi, sida haddaad garaash aadid aaysan baabuur/gaari kaaga dhigeyn.. Ka tirsanaan keniisu, tegidda cibaadooyinkeeda si joogta ah, iyo wax siinta hawlaha kiniisadda kaa dhigimayaan masiixi.

Baybalku wuxuu na barayaa in shaqooyinka wanaagsan oo aan sameynaa uusan alle nago aqbali Karin. Titus 3:5 wuxuu leeyahay, nooma badbaadin ilaahey waxyaalo saxa oo aan sameynay darted ee wuxuu noo badbaadiyey naxariistiisa darted. Wuxuu nagu badbaadiyey mayridda/dhaqidda dib u dhalashada iyo cusbooneynta ruuxa barakeysan; marka masiixi waa qof u ilaah dib u dhaliyey (John 3:3; John 3:7; 1 Peter 1:23) oo rumeeyoo, aaminey ciise Masiixi Ephesians 2:8 wuxuu noo sheegayaa, in nalagu badbaadiyey sarreynta, caqiiddo darted, adigana kaama iman, waa hadiyad ilaahay.

Masiixiga runta ahi waa qof rumeeyay oo aaminey qof ahaanta iyo shaqada Ciise Masiixi oo ay ka mid tahay, ku dul dhimashadiisii macatabka si uu u mago danuubtayadii, iyo dib u soo noolaantiisii saddex maalmood ka dib. John 1:12 wuxuu noo sheegayaa, weli inta isaga heshay, kuwa ku aaminey magiciisa, wuxuu siiyey xaq ay ku noqdaan carruurtii ilaahay.

Callamadda masiixiga runta ah waa jacaeyl kuwa kale, iyo addeecidda kalmadda ilaahay (1 John 2:4,10) Masiixiga runta ahi runtii waa ilmo ilaahay, qayb ka mid ah qoyska runta ah oo ilaahay, iyo mid la siiyey nolol cusub oo ciise masiix.

Miyaad go'aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.