3
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay. 
 1 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! 
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin. 
 2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, 
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah) 
 3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, 
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada. 
 4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, 
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah) 
 5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, 
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya. 
 6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, 
Oo gees kasta iga hareereeyey. 
 7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, 
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, 
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay. 
 8 Badbaado waxaa leh Rabbiga, 
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)