4
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah. 
 1 Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, 
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, 
Ii naxariiso oo baryadayda maqal. 
 2 Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? 
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? 
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah) 
 3 Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, 
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga. 
 4 Cadhooda oo ha dembaabina, 
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah) 
 5 Bixiya allabaryadii xaqnimada, 
Oo Rabbiga isku halleeya. 
 6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? 
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi. 
 7 Waxaad qalbigayga gelisay farxad 
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan. 
 8 Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, 
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.