23
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo. 
 2 Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, 
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda. 
 3 Naftayda wuu soo celiyaa. 
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada. 
 4 In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, 
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, 
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya. 
 5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, 
Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa. 
 6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, 
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.