24
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, 
Iyo dunida iyo kuwa degganba. 
 2 Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, 
Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha. 
 3 Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? 
Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah? 
 4 Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, 
Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, 
Oo aan si khiyaano leh u dhaaran. 
 5 Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, 
Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo. 
 6 Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, 
Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah) 
 7 Irdahow, madaxiinna kor u qaada, 
Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, 
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta. 
 8 Bal waa ayo Boqorka ammaantu? 
Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, 
Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan. 
 9 Irdahow, madaxiinna kor u qaada, 
Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, 
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta. 
 10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? 
Waa Rabbiga ciidammada, 
Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)