123
Gabayga meelokoridda. 
 1 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, 
Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa. 
 2 Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, 
Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda 
Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, 
Ilaa uu noo naxariisto. 
 3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, 
Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho. 
 4 Naftayadii waxaa aad uga batay 
Qosolka kuwa istareexsan 
Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.