124
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey. 
 1 Haddaan Rabbigu inala jirin 
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, 
 2 Haddaan Rabbigu inala jirin, 
Markii dadku inagu kacay, 
 3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, 
Markay aad inoogu cadhoodeen, 
 4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, 
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa, 
 5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen. 
 6 Waxaa mahad leh Rabbiga 
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan. 
 7 Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, 
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay. 
 8 Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga 
Sameeyey samada iyo dhulkaba.