125
Gabayga meelokoridda. 
 1 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa 
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta. 
 2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin 
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, 
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba. 
 3 Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, 
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin. 
 4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, 
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay. 
 5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan 
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. 
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.