130
Gabayga meelokoridda. 
 1 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka. 
 2 Sayidow, codkayga maqal, 
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon 
Codka baryootankayga. 
 3 Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, 
Bal yaa istaagi doona, Sayidow? 
 4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, 
In adiga lagaa cabsado daraaddeed. 
 5 Waxaan sugaa Rabbiga, 
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa. 
 6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa 
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, 
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa. 
 7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, 
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis 
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan. 
 8 Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa 
Dembiyadooda oo dhan.