131
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey. 
 1 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, 
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, 
Ama waxyaalihii igu yaab badan. 
 2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, 
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, 
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey. 
 3 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, 
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.